Dad ay saakay Muqdisho ku laayeen AMISOM oo la diiday in la aaso (Akhriso Magacyada)

Ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi ayaa saakay si ula kac ah waxa ay agagaarka Isgooska Ex-Kontarool Balcad ee degmada Hiliwaa ugu dileen afar nin oo shacab ahaa .

Sida aan wararka ku helnay ciidamada AMISOM ayaa dadkaasi dilay kadib markii qarax miino lala eegtay kolonyo gaadiid ah ay wateen, waxaana dadka ay dileen sadex kamid ah joogeen goob shaaha laga cabo.

Ehelada dadkan ay laayeen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi ayaa sheegay in aysan aasi doonin meydadka raga la laayay ilaa laga helo ciidankii AMISOM ee dadkaasi laayay.

Waxa ay sheegeen ehelada ragan la dilay in ay ahaayeen shacab ku xamaalan jiray baabuur iyo mooto bajaaj, waxa ayna dowlada Soomaaliya ka codsadeen in ay talaabo deg deg ah qaato waxna ka qabatao ciidamadii dadkooda laayay.

Ciidamada AMISOM ayaa marar badan si bareer ah magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka waxa ay ugu laayeen dad shacab ah, mana jirin wax muuqda oo laga qabtay dhibaatada ciidamada AMISOM shacabka u geesatay.

Akhriso Magacyada dadka la dilay :-

Qaasim Daahir Khayre Darawal
Xasan Yuusuf Siyaad Darawal
Cali Shire Ugaas Darawal
Axmed Maxamud Bajaajle Darawal


XafiiskaShabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -