Dowlada Mareykanka oo Guusha Daalibaan ku tilmaantay mid Qalbi Xanuun leh !

Dowlada Mareykanka ayaa ka hadashay isbadalka lama filaanka ah ee ku yimid maamulka Dalka Afgaanistan, kadib markii la riday dowladii dalkaasi ka jirtay xukunkana la wareegeen kooxda Daalibaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in la wareegida Daalibaan ee talada dalka Afgaanistan ay tahay mid qalbiga xanuujinaya, waxa uuna xusay in ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan iyo fashilka ku yimid ciidamada Afganistan.

Antony Blinken ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka shaqeynayaan inay dhammaan dadka Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey kasoo saaraan magaalada Kabul si noloshooda loo bad baadiyo.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaana uga digay kooxda Daalibaan in ay dhibaato gaarsiiyaan shaqaalahooda safaarada Mareykanka iyo dadka la shaqeeya, waxa uuna ku hanjabay in jawaab adag bixin doonaan hadii daalibaan dhibaato u geesato.

“Mareykanka wuxuu sameyn doonaa wax kasta oo suurta-gal ah oo aan awoodno, si aan uga soo baxno dalkaasi, Taliban waxba ma aynan weydiisan. Waxaan u sheegnay haddii ay faraha lasoo galaan shaqaalaheena ama holwgalladeena inta aan ka baxeyno, ay jiri doonto jawaab deg deg ah oo adag,” ayuu yiri Blinken.

Kooxda Daalibaan ayaa dar dar xoogan lasoo baxday markii Ciidamada Mareykanka ka baxeen dalka Afgaanistan, waxa ayna daalibaan hada si buuxda ula wareegtay maamulka Afgaanistan markii ay la wareegeen Madaxtooyada dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -