FBI-da Mareykanka oo Dacwad kusoo oogtay Nin Soomaali ah oo lasoo shaqeeyay

Hay’ada dambi baarista dalka Mareykanka ee loo yaqaan FBI ayaa dacwad kusoo oogtay nin Soomaali Mareykan ah oo horey Hay’adaasi ula soo shaqeeyay, waxaana ninkan lagu heestaa been uu sheegay.

Ciidamada dambi baarita Mareykanka ayaa xiray Cabdirisaaq Xaaji Raage Weheliye xili uu kasoo degay garoonka diyaaradaha Dulles International Airport ee magaalada Washington, waxa uuna ninkan wajahayaa dacwado ka dhan ah been uu u sheegay FBI-da.

Telefihinka CBS ayaa baahiyay in ninkan Soomaaliga ah loo heesto in uu ka been sheegay xiriir uu la sameeyay nin dabogal lagu hayay oo la tuhunsanaa, kaas oo uu codadkiisa turjumayay isagoo markaas howsha u hayay FBI-da Maraykanka.

Ninkan la shaqeenayay FBI-da ayaa turjumay codad badan oo laga duubay telfoonka nin kale oo Soomaali ah oo dabo gal lagu hayay,hasa ahaatee Cabdirisaaq ayaa cod uu qudhiisa ninkan telfoonka ugu duubay ayaa markii lasoo gaaray FBI-da u sheegay in codkaasi yahay qof aan la garaneyn.

Cabdirisaaq Xaaji ayaana Hay’ada FBI-da wax ka weediisay in uu xiriir la sameeyay ninkan dabo galka lagu hayay, waxa uuna beeniyay Cabdiriaaq in ninkaasi xiriir la sameeyay iyadoona markii dambe la ogaaday xiriirka uu la sameeyay uuna garanayay.

FBI-da ayaa ogootay in xiriirka Cabdirisaaq Xaaji Raage iyo ninka dabo galka lagu hayay oo magaciisa lagu sheegay Liibaan Xaaji Maxamed uu xiriirkooda dhinaca telfoonka uu soo jiray ilaa 2010-kii.

Falkan ayaana dhacay sanadkii 2016-kii , waxaana markii dambe ninkan la shaqeenayay Hay’ada Dambi baarista Mareykanka uu qirtay in ninka dabo gal lagu hayo ay is yaqiineeyn mudo sanado badan ah.

Ninka dabo gal ah ay ku hayeen FBI-da Mareykanka Liibaan Xaaji ayaa ahaa nin taksiile ah oo ka shaqeyn jiray  gobolka Virginia, waxaana ninkan la sheegay in markii dambe u safray Soomaaliya si uu ugu biiro Al Shabaab.

Cabdirisaaq Xaaji Raage oo horey ula soo shaqeeyay Hay’ada FBI-da Mareykanka ayaa kasoo hor muuqan doona Maxkamad kutaala magaalada Alexandria ee gobolka Virginia si uu uga jawaabo dacwado ay kusoo oogtay FBI-da.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -