Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo shaaciyay in Doorashada Madaxweynaha dib loo dhigay

Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta shir xasaasi ah ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa waxa ay ku shaaciyeen in fara galin xoogan dowlada Federaalka Soomaaliya ku heyso Doorashada.

Qoraal ay Odayaasha soo saareen ayey sidoo kale ku shaaciyeen in dib loo dhigay Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu waday in ay dhacdo 17-ka bishan .

Odayaasha kulanka ku yeeshay Baydhabo oo u muuqdayu kuwa taageersan Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku eedeeyay dowlada Federaalka Soomaaliya in ay taageereyso musharaxiin gaar ah ayna siisay lacag iyo gaadiid aan xabaduhu karin.

Waxa ay sidoo kale Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed sheegeen in diyaarado magaalada Baydhabo looga qaaday Xildhibaanada Koonfur Galbeed lana geeyay magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in lacago laaluush ah lagu siiyay.

Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee soo saaray qoraalka ayaa sheegay  inay marjac u yihiin Maamulka Koofur Galbeed, maadaama markey xaalad la soo gudboonaato Golayaasha dowladda Koofur Galbeed.

Hadalkan kasoo yeeray Odayaasga Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili inta badan is casileen Guddigii Doorashada Madaxweynaha maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya taas oo abuurtay jawareer siyaasadeed.

 

- Advertisement -