Boolis caawa lagu weeraray Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Gaari ay wateen ciidamada Booliska ayaa caawa lagu weeraray qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir sida ay sheegayaan warar goor dhow naga soo gaaray degmadaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in weerarkan uu yimid ka dib markii dabley loo malaynayo iney ka tirsan yihiin Al-shabaab ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen ciidanka Booliska oo socod rondo ah ku marayey qeybo ka mid ah degmadaas.

Ciidamada amaanka ayaa rasaas kale ku jawaabay iyadoo labada dhinac ay muddo kooban rasaas isweydaarsadeen ka hor inta aysan halkaas ka baxsanin dableyda weerarka soo qaaday.

Wararka ayaa sheegayaa in goobta ay gaareen ciidamo gurmad ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka kuwaasoo wada howlgalo baaritaano ah oo lagu daba galayo ragga soo weeraray ciidamada.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan caawa ka dhacay degmada Heliwaa oo ka mid xaafadaha sida weyn loogu tuhunsan yahay iney gabaad ka dhigtaan kooxo ka tirsan Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -