Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidamada Mareykanka oo duqeyn ka geystay koonfurta Somalia

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay weerar diyaarado loo adeegsaday ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyntan laga fuliyay degaanka Araare ee gobolka Jubada hoose.

Weerarka oo dhacay shalay ayaa sida bayaanka ku cad waxaa lagu dilay afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) aya xusay inay qiimaynayaan in weerarkaasi ay dad rayid ah ku dhinteen ama ku dhaawacmeen iyo in kale.

Bayaanka ayaa laga sheegay in duqeynta la fuliyay ka dib markii koox mintidiin ah oo hubaysan ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayeen in ay ku weeraraan ciidamo bahwadaag la ah kuwa Mareykanka.

Mareykanka ayaa sheegay iney sii wadi doonaan dhammaan tallaabooyiinka sharciga ah ee ay ku minjaxaabinayaan argagixisada, iyagoo kaashanaya ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sawir uu Trump soo dhigay Twitterka oo dhaliyay hadal heyn iyo maadeys (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Hotel ku yaalla degmada Baraawe oo la weeraray iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Caydiid Ali

Yaa bixiyay amarka laggu dhisaayay dhulka Biyaaso Liibaro,Taabit  mise Yuusuf  Jimcaale ? (Akhriso Dikreeto)

admin
Taboola Ads ---