Hogaamiye Mucaarad ah oo guul ka sheegtay doorasho labo sano ka hor dhacday

Hogaamiyaha mucaaradka dalka Gabon, Jean Ping, ayaa markale sheegtay inuu ku guuleystay doorashooyinkii la qabtay sanadkii 2016ka.

Sheegashadiisa cusub oo dad badan ka yaabisay ayaa ku soo beegantay xilli Madaxweyne Cali Bongo lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla dalka Sacuudiga.

Mar uu ka hadlayay Magaalada Libreville, ayuu Mr Ping dadkiisa ugu baaqay inay ka adkaadan kala qeybsanaanta ayna ku midoobaan danta guud.

Waxaa u sheegay in mowqifkaasi uu ahaa midkii uu soo bandhigay doorashadii 2016ka, waxaa uuna intaasi ku daray inuu yahay qofka ku guuleystay codadka ugu badan.

Dibedbaxyo dhiig uu ku daatay ayaa dalkaasi ka dhacay kaddib markii Madaxweyne Bongo lagu dhawaaqay inuu codad aan sidaasi u badnayn ugu guuleystay doorashada.

Mr Bongo, oo qoyskiisa u dalkan galbeedka Afrika ku yaalla ka talinayay 50-kii sano ee la soo dhaafay ayaa haatan lagu daaweynaya isbitaal ku yaal Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Weli lama hayo war rasmi ah oo ku saabsan xaaladda Madaxweynaha uu ku sugan yahay tan iyo markii la shaaciyay 10 maalmood ka hor in uu aad u daalan yahay sidoo kalena uu u baahan yahay nasiino.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -