Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo Odayaasha Bari u sheegay Ahmiyada maamulkiisu siinayo Boosaaso (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulanĀ  la qaatay Isimada, Cuqaasha, Nabadoonada, Waxgaradka , Aqoonyahanka , Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa Kulanka ka jeediyay warbixin kooban oo ku saabsan guud ahaan shaqada Dalka ka socota, sida Amniga, Dhismaha Wadooyinka, Garoomada Diyaaradaha, Dekadaha , Mashaariicda horumarin iyo Mashruuca ugu weyn ee tan iyo markii la aasaasay Puntland Hadda loo dhaqaaqay ee Doorashada qof iyo cod, wuxuuna Bulshada Gobolada Bari , Gardafu iyo Karkaar uga mahadceliyay siday uga qeyb qaateen isdiiwaangelinta.

Wuxuu Madaxweynuhu muujiyay Ahmiyada Dowladdu siinayso Boosaaso oo u ah Puntland xudunta dhaqaalaha, isagoo xusay in Safarka uu ku yimi shaqooyinka qeybta ka ah ay ku jiraan Mashaariic waa weyn oo xariga laga jarayo iyo dhagax dhiga kuwo cusub.

Isimada, Cuqaasha, Nabadoonada iyo Waxgaradka ka hadlay Kulanka , ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey Shaqooyinka taariikhiga ah ee uu hayo, oo ay ugu horeyso Doorashooyinka hal qof iyo hal cod iyo mashaariicda horumarin ee Degmada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne amar ku bixiyay in la toogto dadka diida xayiraada Caronavirus !!

Cabdi Cade

Xog:-Sababta uu Farmaajo u diidanaa inay Doorasho dhacdo & Rooble oo lagu tijaabinayo Doorashada !!

admin

Burcad sidii Dumarka usoo labistay oo gacanta lagu dhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---