Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo muhiim ah kala hadlay Espen Barth Eide

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norwey, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi Espen Barth Eide.

Kulanka dhax maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Norwey ayaa  looga wadahadley arrimo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo in wada shaqeyn dhaw yeeshaan labada dal.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale shalay qasriga boqortooyada ee magaalada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus, waxa uuna kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Norwey ayaa sidoo kale la filayaa in kulan la qaato jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhyaqan, kuwaa uu kala hadli doono xaaladda dalka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare lagu soo oogayo dilka Madaxweynihiisa iyo Xanibaad lagu soo rogay

Cabdi Cade

Xukuumadda Somalia oo meel marisay laba Hindise Sharciyeed oo la horkeenay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo soo arkay Masuuliyiin ku dhaawacmay weerarkii SYL (Sawirro)

Cabdi Cade