Allbanaadir.com
NEWS

Xisbullaah oo soo riday diyaarad ay leedahay Isreal xilli ay hawada Lubnaan soo gashay

Ururka Xisbullaahi ee saldhigooda yahay dalka Lubnaan, ayaa ku guuleestay in ay soo ridaan diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo lahaayeen milatariga Israel, diyaaradan ayaana soo gashay hawada Koonfurta Lubnaan.

Nidaamka difaaca hawada ay isticmaalaan kooxda Xisbullaah ayaa ku guuleestay in ay soo ridaan diyaarada milatariga Israel lahaayeen, waxa ayna diyaaradan ku howlaneed howlo sirdoon xilliga lasoo ridayay.

War kasoo baxay ururka Xisbullaah ayaa lagu sheegay in ay soo rideen diyaarad nooceedu yahay Hermes 900, oo ahayd sahanka militariga Israa’iil, waxa ayna sheegeen in diyaaradan si khalad ah kusoo gashay hawada dalkooda.

Diyaaradan ay soo rideen ururka Xisbullaah ayaa noqoneysa tii saddexaad ay soo ridaan , waxa ayna Xisbullaah dagaal adag kula jiraan ciidamada Israel ee ku sugan xadka dalka Lubnaan la wadaagto dhulka xoogga ku heestaan Israel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoggaamiyaha Sare ee Iran oo si kulul u cambaareeyey Wasiirkiisa Arrimaha dibeda

Caydiid Ali

Hanjabaad la gaarsiiyey Xukuumada Xil gaarsiinta & Mucaaradka oo wajahaya..

Caydiid Ali

Yaa awood badan Ciidamada Turkiga iyo Masar hadii ay dagaalamaan (Is barbardhig )

Cabdi Cade
Taboola Ads ---