Allbanaadir.com
NEWS

Dadka meydadka ehelkooda kala soo baxaan Qabuuraha Iskool Buluusiya oo shuruud lagu xiray

Waxaa saakay qabuuraha iskool Buluusiya ee magaalada Muqdisho ku kalahay qaar kamid ah ehelada dadkooda halkaasi ku aasnaayeen, kuwaa oo doonaya in meydadka la baxaan kuna aastaan goobo kale .

Dowladda Soomaaliya ayaana ku amartay dadka ehelkooda ku aasan yihiin qabuuraha iskuul Buluusiya in ay halkaasi kala baxaan muddo 19-cisho ku siman, si dhulkaasi dowladda ula wareegto loogana dhiso xero ciidan.

Ciidamada booliisla ayaa la sheegay in saakay dadka doonaya in meydadka ehelkooda la baxaan ku amrayay in marka hore tagaan xarunta maamulka gobolka Banaadir ayna halkaasi kasoo qaataan warqad meyd la bixid ah.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa saakay warbaahinta u diiday in ay tagaan qabuuraha iskool Buluusiya, waxa ay sidoo kale ciidamada dadka ay u fasaxayeen qabuuraha ka reebayeen moobeelada gacanta, si aysan halkaasi muuqaallo uga duubin.

Dowladad Soomaaliya ayaa shalay si cad u amartay in meydadka laga saaro qabuuraha iskool Buluusiya, waxaana arrinkan uu hadal heyn badan ka abuuray baraha bulshada iyo warbaahinta, iyadoona dowladda lagu dhaliilay ammarkan ay soo saartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waddan Yurub ku yaalla oo lacag ku bixinaya in la dego qaybo ka mid ah dalkiisa (Sawirro)

Cabdi Cade

Faahfaahin: Hoobiyeyaal xalay saqdii dhex ku dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Shaaciyay Sababta Madaxweynaha u furi waayay Kalfadhiga Aqalka Sare

Cabdi Cade
Taboola Ads ---