Isbitaalka Kalkaal oo lacag la’aan ku Fulinaya Qaliinka dadka Faruuran

Isbitaalka Kalkaal oo kamid ah Isbitaalada waa weyn ee kuyaala magaalada Muqdisho ayaa fulinaya qaliinka dadka faruuran ee yar yar iyo waa weynba, qaliinkan ayaana ah mid lacag la’aan ah uu Isbiaalka bulshada tabarta yar ugu faa’iideenayo.

Kalkaal Hospital Foundtion ayaa horey dhoor mar u sameesay qaliino lacag la’aan ah oo loo sameenayay dadka faruuran, waxa uuna Isbitaalka Kalkaal u taagan yahay caawinta bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa tabarta yar

Waxa dhamaan  bulshada Somaliyeed  la ogeysiinayaa  in Kalkaal  Hospital Foundation  uu fulin doono  Ololahii Qaliinka Faruuranka (Cleft Lip) iyo Qaliinka Dhabxanaga Dilaacsan(Cleft Palate) waxaana Taabagalinaya  Si lacag La’aana ah Hay’ada Khayriga ah ee KALKAAL HOSPITAL FOUNDATION (KHF)

Fiiro Gaar ah

Qaliinkan waxaa loo samanayaa dadka faruuran yar iyo waynba

Qaliinku  waxa kuu bilaaban doonaa 01 /12/2018 ilaa 10/12/2018

Isdiwaangalintu waxay ka socotaa  xarunta  Kalkaal Speciality Hospital  ee Mogdishu

Isbitaalku  waxa uu ku yaalaya  wadada digfeer  iyo banaadir dhexdooda   wax uu ku dhagan yahay  Masjidka Cabdullahi ciise

Wixii  faah faahin ah kala xiriir     0617633661/0617633662/0690454545

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -