Allbanaadir.com
NEWS

Sideed qof oo isku qoys ah oo ku geeriyooday Qarax iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax nuuca miinada hareeraha waddooyinka lagu aaso ayaa gabal-dhicii maanta ka dhacay deegaanka Jicibow ee kuyaalla duleedka magaalada Buuloburte, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa haleelay mooto nuuca saddexda lugood leh oo ay adeegsadaan beeraleyda, waxaana nootadaasi la socday dad isku qoys ahaa oo ka yimid beeraha Jicibow.

Inta la xaqiijiyay qaraxa miino waxaa ku dhintay sideed qof oo ka koobnaa hooyo iyo saddax carruur ah oo ay dhashay iyo aabbe iyo afar carruur ah uu dhalay, dadkan ayaana dhammaan wada saarnaa mootada.

Maamulka Buulaburte ayaa qaraxan ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxda Al Shabaab, waxa ayna sheegeen maamulka in Al Shabaab markii ku jabeen dagaalka bilaabeen in shacabka ka aargutaan oo qaraxyo ku dilaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Somalia: James Swan oo warbixin xasaasi ah siiyey Xubnaha Golaha amaanka ee QM

Caydiid Ali

Daawo:-Laftagareen oo markii ugu horeysay hanjabay & qaylo dhaan ka soo yeertay Aqalka sare

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo Wefdi la socda oo goordhaw ka dhoofay Garoonka Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---