Duqa Muqdisho ”Haloo sheego Xildhibaan Fiqi in Shacabka aysan raali ka aheyn Qaswade ”

Baraha bulshada gaar ahaan barta Facebooka waxaa hadalo kulul isku dhaafsaday Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Eng C/Raxmaan Yariisow iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo katirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho  oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in siyaasiyiinta Mucaaradka aan laga aqbali doonin inay xag-xagtaan dowladda sidoo kale buun buuniyaan amni darada.

“Siyaasigii khas wade ah argagixisada safkeeda ha soo galo ma aqbali doono in dhexdeena uu khaska ka wado oo uu dowladda xagxagto, ha noqon mucaarad kaliya ka hadla dhanka xun iyo amni daro in ay dalka ka jirto ee noqo mucaarad wax saxa” ayuu yiri Ing. Yarisow.

Hadalkan ayaa durba waxaa dhibsaday si kululna uga soo jawaab celiyay Xildhibaan Axmed Fiqi oo kamid ah Xiuldhibaanada Mucaaradka, waxa uuna Xildhibaanka sheegay in Duqa Muqdisho looga fadhiyo wax ka qabashada amaanka gobolka iyo adeegayada kale.

“Guddoomiye Yariisow waa hadlay laakin waddooyinka mugdiga noqday, balliyada biyaha Muqdisho roobabku ku reebeen iyo qashinka Meel kasta yaalla ayaa shaqadoodu u taallaa iyo inuu wax ka yiraahdo, laakin mucaaradka ka hadalkiisa madaxweynaha ayaa Koofurta Sudan fariin uga Soo diray oo ku filan, Mise dhaqanka Guulwadaynta waa lagu qasban yahay,Yariisow hala gaarsiiyo shacabka Muqdisho Guddoomiye ayey u baahan yihiin ee uma baahna Guulwade.”ayuu ku yiri Qoraal uu Facebook soo dhigay Xildhibaan Fiqi .

Duqa Muqdisho ayaa isna dhankiisa si deg deg ah uga soo jawaabay qoraalka Xildhibaan Axmed Fiqi, waxa uuna Yariisow sheegay in nasiib daro tahay in Xildhibaanka dhibsaday hadalkii ahaa yaan la siyaasadeynin amniga iyo inuu difaaco Qaswadayaasha .

“Waa nasiibdaro in Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi uu dhibsado ereyada ah yaan la siyaasadeynin amniga iyo inuu difaaco Qaswadayaasha buunbuuniya argagaxisada. Fadlan haloo sheego Fiqi in shacabka aysan raalli ka aheyn Qas Wade kalkaaliya Argagaxisada”ayuu yiri isna ku yiri Yariisoq Qoraal uu Facebooka soo dhigay.

Hadaladan kul kulul ee baraha bulshada isku dhaafsadeen Duqa Magaalada Muqdisho iyo Xildhibaan Axmed Macalin ayaa noqday kuwa si weyn ugu baahay baraha bulshada dadkuna aad u hadal hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -