Maamulka Puntland oo beeniyey hadal uu warbaahinta siiyey Duqa magaalada Boosaaso

Wasiirka Amniga maamulka  Puntland C/Samad Galan ayaa ka hadlay Wararka sheegaya in ciidanka Gorgor ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka bari.

“Majiro ciidan Gorgor ah oo ka dagaalamaya Boosaaso, Arintaas cidii ka hadashay baa la waydiinayaa Laakiin ogaalkayo ma jiraan,” ayuu yiri Wasiirka

Galan ayaa sheegaya in cida ay Boosaaso kula dagaalamayaan ay tahay ciidanka PSF ee uu horkacayo taliyaha diiday inuu xilka wareejiyo ee Jen. Maxamuud Diyaano.

Wasiirka Amniga ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay aqbalayaan oo kaliya in la raaco dastuurka maamulkaasi oo hoggaanka ciidamada PSF uu xilka wareejiyo.

Hadalka wasiirka  ayaa imaanayo iyadoo Duqa Degmada Boosaaso uu shalay warbaahinta u sheegay in Xerada PSF ay ka dagaalamayaan ciidamo Gorgor katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -