Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciyaaryahan Caan ah oo xukun lagu riday kadib markii uu Daanka feer uga jabiyay Taksiile

Ciyaaryahankii hore ee kooxda kubada cagta ee Arsenal hadana katirsan Naadiga Rosenborg, Nicklas Bendtner, ayaa lagu xukumay 50-maalmood oo xabsi ah iyo ganaax lacageed.

Nicklas Bendtner, ayaa lagu helay dambi ah in uu daanka feer uga jabiyay Taksiile kadib markii uu dhax maray muran, waxaana muranka labada nin sababay in gacmaha iskula tagaan.

Ciyaaryahanka ayaa qirtay inuu feeray taksiilaha, waxa uu sheegay in sababtu ay aheyd inuu dareemay halis uga soo wajahan taksiilaha ka dib markii uu qasac dhankooda ku soo tuuray.

Xidigii hore ee xulka Qaranka Denmarka Nicklas Bendtner, ayaa racfaan ka qaatay xukunka xabsiga ah ee lagu riday, waxa uuna usii ciyaari doonaa kooxdiisa Rosenborg ee ka dhisan dalka Norwey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Iimaan Caddow Kaarshe oo isagoo katiinad ku xiran laga soo dejiyey Muqdisho

Caydiid Ali

Kulanka Baarlamaanka oo Furmay iyo Warbaahinta oo banaanka loo saaray

Cabdi Cade

Shir ay ka qeyb galayaan 100 Hoggaamiye oo Nairobi ka dhacaya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---