Niyad jab lasoo darsay Musharax Shariif Xasan iyo Sababta ka dambeysa (Warbixin)

Waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya 17-ka bishan ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sanadkan ah mid xamaasad gaar ah leh, waxaana doorashada ugu adag ay dhax mari doontaa Madaxweyne Shariif Xasan iyo Musharaxa ay gadaal ka riixeyso dowlada Federaalka Soomaaliya.

Shariif Xasan oo dhowr sano Madaxweyne ka ahaa maamulka Koonfur Galbeed ayaa hada wajahaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dowlada Federaalka iyo sidoo kale qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheekh Aadan ay hada lasoo daridstay niyad jab la xariirta in mar kale doorashada ku guuleesto, waxa uuna Shariifka lumiyay kalsoonida Xildhibaano badan uu codkooda ku tashanayay.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Koonfur Galbeed ayaa wali wada olole xoogan uu ku doonayo in uu doorashada ku guuleesto, waxa ayna dadka siyaasada falanqeeya rumeesan yihiin in ay yartahay rajada Shariif Xasan  ee ku guuleesiga doorashada.

Qaar kamid ah Musharixiinta la tartameysa Shariif Xasan ayaa heesta dhaqaalo badan iyo taageero , waxa ay sidoo kale Musharaxiintan yihiin kuwa saameyn badan ku leh Xildhibaanada Koonfur Galbeed .

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in dadaal iyo dhaqaale badan ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxa ayna Dowlada Baydhabo u dirtay Musharaxiin ay si gaar ah u taageereyso.

Lacago aad u badan oo loo adeegsanayo sidii Shariif Xasan meesha looga saari lahaa ayaa la gaarsiiyay magaalada Baydhabo, waxaana Xildhibaanada wax dooranaya loo balan qaaday lacago badan si ay meesha uga saaraan Shariifka.

Doorashada ka dhaceysa magaalada Baydhabo ayaa hadii uu ku guuleesto Shariif Xasan waxa ay niyad jab iyo guul daro ku noqon doontaa dowlada Federaalka, hadiisa uu guuleesto Musharaxa ay wadato dowlada waxa ay saameyn ku yeelan doontaa isbaheysiga maamul goboleedyada ee dowlada kasoo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -