Allbanaadir.com
NEWS

Shir ay ka qeyb galayaan 100 Hoggaamiye oo Nairobi ka dhacaya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo…

Shirweynaha 6-aad ee ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha degaanka ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

In ka badan 100 hoggaamiyeyaasha caalamka ah ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan shirkaasi, iyadoo lagu wado inuu madaxdaasi ka mid noqdo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu shirkaasi khudbad ka jeediyo, Isbeddelka cimilada iyo saameynta aafooyinka wata ee uu leeyahay iyo in si wadajir ah xal loogu helo ayaa ah ajendaha ugu weyn shirka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada dadaalka xooggan ugu jira in xal loo helo isbeddelka cimilada oo dhibaatooyinka uu dhowaan ka geystay dalka ay ka mid yihiin roobabkii fatahaadaha watey ee El Nino oo qeybo badan khasaare isugu jira dhimasho , burbur hanti iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ay ka geysteen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dadaaladaasi isbeddelka cimilada la xiriira hormuud ka ah ayaa saxiixay Sharciga Ilaalinta iyo Maareynta degaanka oo hore ay u ansixiyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Xildhibaan Gaandhi “Dowladda Soomaaliya waxay gashay qalalaad siyaasadeed iyo mid sharci ah(Daawo Muuqaal)

admin

Maraykanka oo shaaciyey tirada dadka uu illaa hadda ka daabulay garoonka kabul

Caydiid Ali

Askari 8 sano ka hor labo haween ah ku dilay Magaalada Muqdisho oo la qabtay

Caydiid Ali