Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadinkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo Sanadkan cusub lagu dilay Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed halka mid kalana lagu dhaawacay.

Kooxo burcad hubeesan ayaa weerar ku qaaday labo dukaan oo kuyaala Deegaanka Khayalisha ee magaalada Cape Town , waxa ayna halkaasi ku dileenĀ  Cabdulaahi Macalin Cali halka ay ku dhaawaceen muwaadin kale oo Soomaali ah.

Cabdi Calas Guure oo ahĀ  Gudomiyah jaaliyad south Africa Ee save Somali community ayaa caawa Allbanaadir u sheegay in labo weerar oo ma dhacay Deegaanka Khayalisha oo Capre Town katirsan dil iyo dhaawac loogu geestay labo muwaadin.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ee caawa lagu dilay magaalada Cape Town ayaa noqoanaya qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo lagu dilo dalka Koonfur Afrika sanadkan cusub, waxaana jira cabsi badan oo ku aadan in Soomaalida dalkaasi lagu beegsado.

Dalka Koomfur Afrika sanadkii tagay ee 2017-ka waxaa lagu dilay 139-qof oo Soomaali ah halka ku dhawaad 100-qof oo kale lagu dhaawacay, waxaana jirin cid u doodeysa Soomaalidan sida micno darada ah loogu laayo dalka Koonfur Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daanyeer lagu daray Liiska dembiilayaasha loogu doontisa badan yahay dalka Japan

Caydiid Ali

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Dowladaha Kenya iyo Britain oo u heshiiyay kooxda Al Shabaab iyo Xogta heshiiskaasi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---