Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Guuleed oo hadlay sida uu u arko Xubnihii laga saaray Guddiga Doorashada

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya qaarkood ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qaar kamid ah xubnihii ay cabashada ka gudbiyeen ee laga saaray guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka.

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyay go’aankii kasoo baxay guddigii loo saaray baarista xubnaha ku jira guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka, kuwaa oo 34-xubnood ka saaray xubnihii cabashada laga muujiyay.

Waxa uu ku baaqay Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed in horey loo socdo si dalka doorasho u aado, lagana shaqeeyo degnaashiyaha iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka.

”Waxaan soo dhaweynayaa go,aanka gudiga heer wasiir ee kala shaandheynta gudiga doorashooyinka. Anigoo u arka in ay gudigu dadaaleen, muujiyeena faafreeb ilaa xad lagu kalsoonaan karo, waxaan soo jeedinayaa in hore loo socdo, si dalku u galo doorasho horseedda daganaasho iyo xasilooni siyaasadeed.” ayuu yiri Mr Guuleed.
Hadalka kasoo yeeray Musharax Guuleed ayaa kusoo aadaya xili Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna katirsan golaha Midowga Musdharaxiinta uu dhaliilay qaabka loo maray baarista xubnaha cabashada laga gudbiyay iyo natiijada guddiga soo saareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taalibaan oo loo diiday Diyaarado Dagaal oo Afganistan laheyd iyo Mareykanka oo la wareegaya

Cabdi Cade

Ciidamo Kenyan Ceelwaaq ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Xoogga dalka & xiisad halkaas ka taagan

Caydiid Ali

Askar kasoo carartay furimo dagaal oo maxkamad lasoo taagayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---