Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo sheegatay dilkii loo geystay aabe Cali Nuur Shuute, kana hadashay sababta loo dilay

Al-Shabaab ayaa sheegatay dil xalay agagaarka hoygiisa oo ku yaalla Xaafada Suuq Boocle ee Degmada Dharkenley loogu geystay  Cali Nuur Shuute oo ahaa Aabaha dhalay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee  Soomaaliya.

War ay baahiyeen Al-shabaab ayey ku sheegatay masuuliyada dilkaas, iyagoo intaa ku daray inuu ahaa sarkaal ka tirsan Waaxda Dowladda Hoose u qaabilsan dhul bixinta.

Masuuliyiinta Maxakamada Ciidamada Qalabka sida ayaa waxay sheegeen in la sameyn doono baaritaan dhab ah si loo helo dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa xukuno iskugu jiray dil iyo xabsiyo kala duwan ku xukumay dhalinyaro badan oo lagu soo eedeeyey iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay oo ka dhacay koontaroolka Garowe

Cabdi Cade

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo War kasoo saaray Dilka Gudoomiyihii Hodan Guddina Magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---