Nicholas Haysom iyo Francisco Madiera oo Baydhabo kula kulmay Musharaxiin Madaxweyne

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Haysom iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Madiera ayaa kulan gaar ah Baydhabo waxa ay kula qaateen qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne ee Koonfur Galbeed .

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay sidii Musharaxiinta Madaxweyne gacan uga geesan lahaayeen in doorashada u dhacdo qaab nabdoon loogana fogaado xasilooni daro iyo foodo siyaasadeed.

Musharaxiinta la kulmay Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya oo gaarayay ilaa 7-Musharax waxaa kamid ahaa Sheekh Mukhtaar Roobow iyo sidoo kale Agaasimihii hore ee Hay’ada Nabad sugida Qaranka

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Haysom ayaa Musharaxiinta u sheegay in la doonayo in doorashada u dhacdo si nabdoon, waxa uuna sheegay in Koonfur Galbeed Hormuud u tahay hanaanka xasilinta dalka.

Sidoo kale Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Madiera ayaa balan qaaday in ciidamada AMISOM ay qaadan doonaan doorkooda xaqiijinta amaanka doorashada .

Magaalada Baydhabo ayaa xiligan laga dareemayaa olole xoogan oo dhinaca doorashada ah ay wadaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana ololaha ugu xoogan wada Mudsharaxiin la tuhayo in dowlada ay taageereyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -