Madaxweyne Farmaajo oo Eedeyn kulul u jeediyay maamul goboleedyada dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool magaalada Jubba ayaa eedeyn u jeediyay hogaanka maamul goboleedyada dalka.

Farmaajo ayaa sheegay nidaamka Federaalka ee caalamka ka jira iyo kan Soomaaliya ka jira sida uu u shaqeeyo ay kala duwan yihiin, isagoona ku eedeeyay Hogaanka maamulada Soomaaliya ka jira kuwa damacoodu sareeyo.

Waxa uu sheegay shaqada dowlad goboleed in ay tahay in bulshada ay matalaan gaarsiiyaan adeegyada sida caafimaadka iyo waxbarashada, sidoo kale aruuriyaan canshuuraha balse aysan shaqo ku laheyn siyaasada arimaha dibadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in hab dhaqanka madaxda maamulada ay muujineyso in Soomaaliya ay kala daadsan tahay ayna ka jirto foodo, waxa uuna cadeeyay in Dowlad goboleed aysan shaqo ku laheyn in ay safraan oo madax sare la kulmaan.

” Maamul goboleed hadii uu yiraahdo siyaasad arimo dibadeed oo gaar ah ayaan leeyahay oo waxaan rabaa in aan socodka badiyo oo meel walbo tago, hadii aad la fariisato Madaxweyne Salvakiir adiga iyo salvakiir maxaa idinka dhaxeeya, maxaad kala saxiixan kartaan hadii aad soo raadsado Madaxda gobolka ileen adigu maamul goboleed ayaad tahayee, taasi waxa ay muujineysaa in dalkaagu kala daadsan yahay , dalkaagu in uu foodo yahay, maxaa yeelay maamul goboleed dal kale ka socdo anigu iima imaanayo ” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa si toos ah ugu socday Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira oo caado ka dhigtay in ay wadamo dibada ah tagaan heshiisyo aan sharci aheyna lasoo galaan dowlado iyo Ururo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -