Allbanaadir.com
NEWS

C/wali Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay xanta sheegeysa inuu damacsan yahay muddo kororsi

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xili kororsi la hadal hayey mudooyinkan inuu damacsan, iyadoo haatan uu gebogebo marayo xiligii afarta sano aheyd ee doortay hogaanka Puntand.

Gaas oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgium ayaa sheegay inuusan garanayn halka laga keenay muddo kororsiga lagu eedaynayo wuxuuna xusay inuu xaqiijinayo in doorashadu xiligeedii dhici doonta aysana jirin wax muddo kororsi ah oo uu damacsan yahay.

“Ma jirto cid xukunka ku haysan karta muddo kororsi iyo awood, kursiga waxaa lagu joogi karaaoo kaliya rabitaanka dadweynaha” ayuu yiri Gaas oo ugu baaqay murashixiinta doorashada Puntland inay si hufan u tartamaan joojiyaana dacaayada iyo marin habaabinta.

Degaanada Puntland ayaa waxaa mudooyinkan ka jiray guux hoose oo sheegaya in Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) uu damacsan yahay inuu maamulkiisa u sameeyo muddo kororsi, iyadoo dad badana ay aaminsan yihiin in sababta loo sii hurinayo dagaalka Tukaraq ay tahay qorshe marmarsiyo looga dhiganayo xili kororsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday go’aan Niyad jab ku riday dowlada Kenya

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo ka hadlay Dilkii Al Shabaab u geesatay Paul Anthony Fermosa

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga helay askarigii toogashada ka geystay Xerada Imaaraadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---