Feysal Cali Waraabe oo shaaciyay in Somaliland qarka u saaran tahay in dagaal ka dhaco

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe ayaa rejo xumo ka muujiyay qabsoomida doorashada Madaxweynaha Somaliland, waxa uuna ka digay dagaal sukeeye uu sababo Madaxweyne Muuse Biixi.

Feysal Waraabe ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Biixi in dib u dhac ku wado doorashada Madaxweynaha ay ku ballameen ,waxa uuna cadeeyay in xilligan Somaliland qarka u saaran tahay in uu ka dhaco dagaal sukeeye oo ka dhasha doorashada la daahinayo.

“Xalkeenu ma aha in aan beelo u kala baxno, haddii aad dhahdaan reer hebel ayaa sidaas sameynaya waa la fahmi karaa waxa ka dhalan kara, Dadka la xirayo ee xabsiyada laga buuxinayo waa qayb kamid ah keli-talisnimada, Somaliland maanta waxa ay taagan tahay meel halis ah, Maanta haddii aan is qabano ma jirto cid na kala qabaneyso sida qolyaha Xamar oo kale” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Hoggaamiyaha Xisbiga UCID ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu lacago badan ku bixinayo sameynta dad baraha bulshada ku caaya waxna uga sheega siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa kasoo horjeeda.

Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani ayaa ku eedeeyay xisbiga Kulmiye uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi dib u dhaca doorashada si ay talada usii hayaan, waxa ay sidoo kale kahor yimaadeen qorshaha axsaabta lagu ballaarinayo ee Kulmiye wado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -