Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo Ammar cusub dul dhigtay shirkadaha Isgaarsiinta iyo Sababta keentay

Maamul goboleedka Puntland ayaa ku amray shirkadaha isgaarsiinta ee ka jira deegaannada maamulkaasi, in aysan gudaha magaalooyinka iyo bannaankaba aysan ka dhisi karin taawarro cusub ilaa ammar dambe.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada maamulka Puntland ayaa lagu amray shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u joojiyaan dhisidda taawarrada cusub.

Wasaaradda ayaa sheegtay in shirkadaha isgaarsiinta aysan wax taawarro cusub ah ka dhisi karin xaafadaha iyo bannaanka magaalooyinka ilaa laga hubiyo in dhismaha taawarada cusub aysan waxyeello u geysan degaanka iyo bulshada.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay wasaaradda Deegaanka Puntland lagu sheegay in cabasho xooggan kasoo gaartay dadka shacabka ah ee degan goobaha taawarrada laga dhisay, waxa ayna dadka ka cawday shucaaca taawaradda iyo qeylada matoorada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo goordhaw furmay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Somaliland oo War kasoo saartay dagaalkii ay ku dhawaaqday Puntland (Akhriso)

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo kawada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---