Turkiga oo War cusub kasoo saaray qaabkii loo dilay Wariye Jamal Khashoggi

Dowlada Turkiga ayaan wali si rasmi ah u shaacin natiijada baaritaankii ay ku sameeyeen dilkii Wariye Jamal Khashoggi loogu dhax geestay gudaha Qunsuliyada Sacuudigu ku leeyahay magaalada Istanbuul.

War kasoo baxay Xeer ilaalinta dowlada Turkiga ayaa lagu sheegay in Wariye Jamal Khashoggi markii uu gudaha u galay Qunsuliyada Sacuudiga lagu dhax ceejiyay kadibna si arxan daran loo sii dilay .

” Jamaal Khashoggi waxaa lagu qabtay ceego ilaa uu ka dhintay, isla markii uu galay qunsuliyadda guud ee Sacuudi Caraabiya, Jamal Meydkiisa la jar jaray kadibna la bur buriyay”. Ayaa lagu yiri war kasoo baxay Dowlada Turkiga.

Dacwad oogaha dowlada Turkiga, Irfan Fidan, ayaa sheegay in kulan uu la yeeshay Isniintii dhiggiisa Sacuudiga oo booqasho ku yimid Istanbuul, waxa uuna sheegay wadahadalaasi aysan wax natiijo ah kasoo bixin.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in ay heyso cadeymo ku aadan dilka Wariye Jamal Khashoggi loogu geestay Qunsuliyada Sacuudiga, waxaana la filayaa in Turkiga shaaciyaan natiijada dilkan marka uu baaritaanka soo dhamaado.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -