Macalimad si ay Ardaydeeda u jecleysiiso Wax-barashada Fasalka uga dhigtay Mid Ashqaraar leh! (Sawirro)

Samelyn Lafuente, oo ah macalimad dugsi hoose oo ku yaalla Masbate, dalka Filibiin ayaa saddexdii sano ee ugu danbeysay waxay ardaydeeda wax ugu dhigtaa gudaha fasal lagu xardhay midab qurux badan halkaas oo dhammaan wixii indhahaadu qaban karaan sida kuraas, miisas, gidaar iyo wixii la halmaala ay yihiin kuwa lagu mariimay midabka basaliga ah.

Sagxadda dhulka ilaa dusha sare ee fasalka waxaa ku xardhan midabka basaliga ah gidaarradana waxaa ku sharraxan kaararka yaryar oo ah kuwo la iskugu qoro dhanbaallada iyo wixii la mid ah.

Waalidiinta gabdhaha yaryar ee dhigta fasalkan waxay aad ugu haliilaan inay inamadooda usoo diraan iskuulka. Kamana walwalaan inta ay ku dhex sugan yihiin gudihiisa ama ay kusoo raagaan.

Waana qorshe u dhacay sidii ay jecleyd macalimad Lafuente – in la abuuro meel ardayda ay ku farxi karaan joogis ahaan kuna raaxaysan karaan marka ay wax ku baranayaan.

Sawirrada laga soo qaaday fasalka oo loo bixiyay Hello Kitty ayaa ku baahay baraha bulshada qaaradda Aasiya, sida Shiinaha.

Dadka ayaa aad ugu bogaadinaya macalimad Lafuente sida ay iskugu xil-qaantay farxadda ardaydeeda taas oo waliba ay ka bixisay jeebkeeda. Macalimaddu waxay sheegtay in qarashkii ku baxay qurxinta fasalkeeda uu ahaa lacag ay shaqsi ahaan u laheyd.

Hadafkeeda ayay ku tilmaantay mid ay kusoo jiidanaysay indhaha ardayda si aysan uga caajisin tacliinta. Halganka howlgalkeeda ku aadan qurxinta fasalka wuxuu soo socday muddo saddex sano ah .

halkaas oo marba ay in kusii kordhinaysay ilaa ugu danbeyn ay gaarsiisay heerkii ay ka rabtay. “Iyaga dartood ayaan u sameynayaa, waayo waan jeclahay,” ayay tiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -