Cali C/qaadir Faarax oo kahor yimid xil ka qaadis maanta lagu sameeyay 

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar dabageed ayaa maanta shaqada ka joojiyey Duqii magaalada Baladweyne Cali C/qaadir Faarax (Sandheere) iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka gobolka.

Yuusuf Dabageed ayaa ku eedeeyay Duqa magaalada Baladweyne iyo masuuliyiinta kale uu xilka ka qaaday in ay sameeyeen musuq maasuq iyo sidoo kale iska horkeyn bulshada Baladweyne.

Duqa magaalada Baladweyne Cali C/qaadir Faarax (Sandheere) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyne ayaa ka hor yimid xil ka qaadista lagu sameeyay iyo eedaha loo jeediyay.

Waxa uu sheegay Duqa Baladweyne in ay been abuur tahay eedaha uu usoo jeediyay Gudoomiyaha gobolka, waxa uu xusay in mudo bilooyin ah uusan shaqeyn maamulka degmada dhawaana ay qorteen shaqaale cusub wax canshuur la xadayna aysan jirin.

Duqa magaalada Baladweyne ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed in uu magaalada Baladweyne usoo diro dad aan maamul aqoon sidoo kale aan waxbo qorin waxna aqrin.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne waxaa hareeyay khilaaf dhaliyay in marar badan xil ka qaadis lagu sameeyo maamulka gobolka iyo kan degmada, waxaana Hirshabelle mudada yar ay jirto gobolka Hiiraan yeeshay maamulo badan oo kala duwan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -