Daawo Sawirada: Qaraxii ay ku dhinteen Saraakiil sare oo Milatariga Somalia katirsanaa

Waxaa galabta qarax miino oo wadada dhinaceeda la dhigay lagu dilay Taliyihii Qeybta 12 Apriil Cumar Aadan Dhabad (Cumar dheere)  iyo Abaanduullaha Qeybta 12April General Cabdi Cali Jamaame .

Qaraxa oo ka dhacay duleedka deegaanka Dhanaane ayaa haleelay gaari nuuca Cabdi bilaha loo yaqaan ay  wada saarnaayeen Taliyaha qeybta 12 Apriil iyo abaanduulaha qeybtaasi, waxaa sidoo kale gaariga la socday ciidamo katirsan Milatariga.

Gaariga ayaa ku bur buray qaraxa miino oo ahaa mid aad u xooganaa, waxaana sawiro laga soo qaaday goobta qaraxu ka dhacay muujinayeen in qaraxa uu ahaa mid xoogan oo saameyn badan reebay.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan lagu dilay saraakiisha iyo ciidanka katirsanaa Milatariga Soomaaliya, waxa ayna Shabaab sheegeen in qaraxa ku dileen labo sargaal iyo 8-askari oo la socotay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -