Xubnaha Aqalka Sare oo cod u qaaday xeerka dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Magaalada Muqdisho, iyagoo ka dooday xeerka dalka looga mamnuucay shirkadda DP World.

Buuq iyo sawaxan dhaliyay in lagu kala dareero ayaa shalay hareeyey kulanka Aqalka Sare kadib markii la isku khilaafay dooda qodobkan oo aragtyo aad u kala fog laga bixiyey.

Ka dib Dood Kulul oo ay maanta yeesheen Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ugu dambeyn waxay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen in dalka laga mamnuuco shirkadda DP World.

Wax aa kulanka soo xaadiray 36 xildhibaan, iyadoo 28 ka mid ah ay ogolaatay in dalka laga mamnuuco Shirkadda DP World, 6 ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa diiday, halka 2 kale ay ka aamuseen.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa warbaahinta u sheegay in xeerkan uu ka soo gudbay Golaha Aqalka Sare wixii hadda dambeeyana uu u gudbay Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiiixi doona si loo dhaqan geliyo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Isniintii sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -