Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dayuuradaha Mareykanka oo duqeyn ka geystay degaan ka tirsan Galgaduud

Dayuurado dagaal ayaa xalay ka geystay degaanno u dhaxeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya

Duqeynta ayaa lala beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-shabaab oo ku yaalla degaanka Bulacle iyo deegaanno kale oo hoos yimaada degmada Ceelbuur.

Goob joogayaal ku dhow degaanadaas ayaa sheegay warbaahinta iney maqleen jug culus oo ah duqeynta ay dayuuradaha dagaalka geysnayeen.

Duqeyntan oo inta badan ay fuliyaan dayuuradaha Mareykanka ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaana weli wax war ah ka soo saarin.

Duqeynta ayaa timid ka dib markii gelinkii dambe ee shalay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerareen deegaanka Sina-dhaqo oo 30Km u jira magaalada Dhuusamareeb halkaasoo ay isku fara saareen ciidamada Gorgor  ee DF oo maalmo ka hor halkaas la wareegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burundi oo si adag uga hortimid qorshe lagu dhimayo Ciidanka ka jooga Soomaaliya

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo lagu qasbay heshiisyadii ay la gashay Musharaxiinta Mucaaradka

Cabdi Cade

Israa’iil oo shaacisay iney Mareykanka la wadaageyso xog xasaasi ah oo ku saabsan..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---