Dad badan oo ku dhintay musiibo ka dhacday goob carruurta lagu ciyaarsiiyo

Dad badan ay ku jiraan carruur yar yar ayaa ku dhintay dab xooggan oo ka kacay beer carruurta lagu ciyaarsiiyo oo kutaalla madadaallada ee Rajkot. gobolka Gujurat ee galbeedka dalka Hindia.

War kasoo baxay booliiska dalka Hindia ayaa lagu shaaciyay in dabka ka kacay beerta ku geeriyoodeen 27-qof oo ay ku jiraan carruur, waxaa sidoo kale dabkaasi ku dhaawacmay tiro kale oo dad ah.

Taliyaha booliska magaalada Rajkot ayaa sheegay in marki danbe daba la xakameeyay isla markaana lasoo badbaadiyay qaar badan oo ka mid ah dadki ku sugnaa beerta madadaallada ee Rajkot.

Sargaal katirsan ciidanka booliiska dalka Hindia ayaa sheegay in ay ku adkaatay in ay aqoonsadana meydadka dadka ku dhintay dabka, waxa uuna sheegay in dadka qaar si weyn u gubtay jirkooda.

Ciidanka booliska Hindia ayaa sheegay in ay xireen milkiilaha iyo maamulaha beerta nasiinnada ee gubatay, si ay su’aalo uga weydiiyaan waxa sababay dabka, waxaana beerta xilliyada fasaxa tagi jiray qoysaska si ay carruurtooda ugu soo nastaan uguna ciyaaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -