Shir loo qabtay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha maamulka Hirshabelle (Sawirro)

Kulan xog wareysi ah iyo qaabki ay u wada shaqeyn lahaayeen agasimayaasha guud ee wasaaradaha Hirshabelle ayaa lagu qabtay Magalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle taariikhdu marka ay aheyd14-15-16-Dec-2021.
 
Shir oo socday mudo seddex beri ah ayaa waxa so qaban qabiyay xafiska Madaxweynaha Hirshabelle State,waxaana looga gon lahaa xoojinta wadashaqeyn dhax marta agasimayaasha isku shaqada ah.
 
Shirkan ujeedkiisa ayaa ahaa sidii loo asteeen lahaa shaqooyinka wasaaradaha Hirshabelle loona dar dar galin lahaa shaqooyin wasaarad walba ka heyso dowlad goboleedka Hirshabelle State.
 
Qabashada shirkan waxaa iska kaa shaday Hay’adda UNDP iyo xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle, waxaana intii uu socday shirkan la isku xiray hay’ad walba iyo qaabka ay iskuwada shaqeyn karaan sida wasaaradaha wax soosaarka oo kale, wasaaradaha hormarinta iyo wasaradaha arimaha bulshada ku shaqada leh.
 
Shirkan ayaa ugu danbeyn waxaa so xiray agaasime kuxigeenka madaxtooyada Hoishabelle Mudane Mohamed Mukhtar, Shirkan ayaana noqon donaa mid seddaxdii bil mar la qabto si loo dardar galiyo shaqooyinka ay hayaan wasaradaha si loo helo isla xisaabtan dhab ah.
 
Shirkan ayaa wax badan ka badali doono habsami u socodka wasaaradaha ay u wada shaqeeyaan, waxana jiri dono guddi dabagal ah oo si dhow ula socon dono waxyabihii ka qabsomay shirka iyo caqabadaha hortaagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -