Madaxweyne Guudlaawe oo shaqada u fasaxay labo Wasiir oo horey shaqada looga joojiyay

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa qoraal uu soo saaray dib ugu fasaxay shaqadooda, labo kamid ah wasiiradda maamulka Hirshabelle uu dhawaan shaqada ka joojiyya.

”Markii uu arkay qoddobada 56-aad iyo 57-aad iyo howlaha ku hor-gudban waxa uu xayiraada shaqo ka qaaday Wasiirrada Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Beeraha oo ay kala hoggaaminayeen Mudane Aadan Maxamed Muuse iyo Maxamed Faarax Cali” ayaa lagu yiri wa kasoo baxay Cali Guudlaawe.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilaabadani kala tashaday Madaxweyne ku-xigeenka  Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) kaas oo horay shaqo-joojin ugu sameeyay 4-xubnood oo ka mid ah Gollaha Wasiirrada Hirshabeelle, kuwaas oo 2 ka mid ah ay maanta shaqaddooda dib ugu laabanayaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa faray Wasiirrada Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Beeraha inay si hufan u gutaan shaqooyinka ay bulshada u hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -