Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Wiil ku labistay Dareeska ciidanka Milatariga Somaliland oo xabsiga la dhigay

Wararka aan ka heleyno magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray wiil dhalinyaro ah oo ku labistay kadibna sawir kusoo galay dareeska ciidanka Milatariga Somaliland.

Feysal Sugaal oo ah wiil qurbaha ka yimid ayaa lagu eedeeyay in uu xirtay dareeska Milatariga Soomaaliya kadibna sawiro uu kusoo galay ku baahiyay baraha ay bulshadu ku kulanto sida Facebook.

Maamulka Somaliland ayaan wali ka hadlin xariga wiilkan ku labistay dareeska ciidanka loogu geestay magaalada Hargeysa, waxaana xariga wiilkan warbaahinta u xaqiijiyay eheladiisa.

Dhacdadan lagu xiray wiilkan qurbaha ka yimid ee ku labistay dareeska Ciidanka Somaliland ayaa noqotay tii ugu horeesay, waxaana dhacdadan si weyn looga hadal hayaa magaalada Hargeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo khadka telefanka kula soo xiriray dhigisa dowlada Somalia

Caydiid Ali

Diyaaradii ay la socdeen xulka Sacuudiga oo Dab qabasaday xili ay hawada ku jirtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Meydka Nin isgubay oo laga helay guri ku yaalla Hargeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---