Xamaas oo gantaallo culus ku weerartay magaalada Tel Aviv iyo cabsi lasoo daristay Yahuuda

Kooxda Xamaas ayaa gantaallo culus ku weerartay magaalada Tel Aviv ee caasimadda maamulka Isreal, waxa ayna gantaalladan cabsi iyo khal khal badan ku abuureen dadka kunool magaaladaasi.

Gantaalladan lagu weeraray magaalada Tel Aviv ayaa la sheegay in laga tuuray qeybo kamid ah magaalada Gaza, waxa uuna weerarkan noqonayaa afar bilood kaddib kii ugu cuslaa ee Xamaas ku qaado caasimadda maamulka Isreal.

Xamaas ayaa la sheegay in ilaa 8-gantaal ku tuureen dhinaca magaalada Tel Aviv, duqeynta marka ay bilaabatay ayaa la daaray qalabka digniinta in gantaalo kusoo dhacayaan  magaalooyin ay ka mid yihiin Herzliya, Petah iyo Tikva.

Warbaahinta Isreal ayaa baahisay muuqaallo laga soo qaaday goobo ay ku dhaceen gantaallada qarakood, lamana soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay gantaalada ku dhacay dhinaca Israel.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli ciidamada Isreal duqeymo culus ku garaacayaan magaalada Rafah iyo magaalooyin kale oo katirsan Qasa, waxaana sii kordhaya khasaaraha soo gaaraya dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -