Dowlada federaalka oo digniin adag ka bixisay ku xad gudubka dhul Badeedka Somalia

Dowladda Soomaaliya ayaa digniin u dirtay maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysanayo xeebaha dalka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa tilmaamay in caddaallada la horgeeni dadka lagu helo arrintaas.

Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlayay saraakiil tababar ku soo qaatay dalka Seychelles, ayaa sheegay in dowladda ay xoojineyso dadaallada lagula dagaallamayo maraakiibta kalluumeysiga sharci darrada ah ka wada xeebaha Soomaaliya.

Wuxuu kalluumeysiga sharci darrada ah ku tilmaamay masiibo qaran oo saameyn weyn ku yeelatay kheyraadka Soomaaliya oo ay ka faa’ideysanaaan dad ajaaniib ah, kuwaasoo nabaad guur ku haya kheyraadka.

“Kalluumeysiga sharci darrada ah ee Soomaaliya waxa uu yahay masiibo qaran oo ka mid ah masiibooyinka waaweyn ee Soomaaliya kheyraadkeeda ka jira, waana midda ugu weyn,” ayuu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -