Maraykanka oo War ka soo saaray doorashada ka dhaceysa Magaalada Baydhabo

Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo iska fogeysay inuu jiro musharax ay wadato.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay soo dhaweyneyso Magacaabidda Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee todobaadkii tegay lagu dhawaaqay.

Waxay Safaaradu si cad u sheegtay inuusan jirin musharax gaara oo ay taageereyso, basle ay taageersan tahay doorashada, waxayna u rajeysay Doorashada Koonfur Galbeed ee 17-ka November inay si xor iyo xalaal ah u dhacdo waqtiga loogu talogalay.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii mid ka mida musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo hore ula soo shaqeeyay heyadaha QM la sheegay inuu Mareykanka taageero ka heysto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -