Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Erdogan oo Su’aal culus hor dhigay xeer Ilaaliyaha dowlada Sacuudiga

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka dalbaday dacwad oogaha guud ee Sacuudiga inuu baaritaan ku sameeyo ciddii bixisay amarka lagu dilo weriye Jamal Kaashogji.

Erdogan wuxuu sheegay in dacwad oogaha Sucuudiga laga doonayo inuu shaaca ka qaado ciddii soo dirtay 15-ka qof ee lagu tuhunsan yahay inay Jamal Khashogji ku dileen gudaha qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul.

Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa imaanaya xilli dacwad oogaha guud ee Sacuudiga uu booqasho ku tegayo qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul.

Turkiga ayaa horey u sheegay in dilka Jamal khashogi uu ahaa mid la sii qorsheeyey, waxaana aad loo hadal hayaa in amarka dilka uu bixiyey dhaxal sugaha boqoryooyada Sacuudiga Maxamed bin Salman inkastoo sacuudigu uu beeniyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

Related posts

Wiil ka ooyay Arooska Walaashiis oo raali galin bixiyay iyo Sababta keentay !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo ka farxiyey shacabka degaanka Dangoronyo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Jubbaland oo hakisay ka qeyb galka shirarka deyn cafinta ee ay waddo DF (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---