Muwaadiniin Ruush ah oo ku dhintay duqeyn Maraykanku ka fuliyey Siiriya

Ugu yaraan laba dagaalyahan oo oo u dhashay Ruushka kuwaasoo la rumaysan yahay inay yihiin calooshood u shaqaystayaal taageerayey ciidamada Suuriya ayaa lagu dilay duqayn cirka ah oo Maraykanku ku qaadeen Suuriya todobaadkii hore.

Rag xiriir la lahaa nimankaas ayaa sheegay in midkood ahaa nin waddaniyadda Ruushku madaxmartay oo reer Moscow ah.

Wararku waxay sheegayaan inay u dagaalamayeen Suuriya oo ay xulufo yihiin ruushka.

Cossack oo ah koox ah wadaniyad xagjir ah ay madaxbartay ayaa xaqiijisay dhimashada labo qof hase ahaate warbaahinta Maraykanka iyo Ruushka ayaa ku waramayay in tiro intaa badan laga yaabo inay halkaa ku dhinteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -