Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay xarunta Baarlamaanka Jabuuti (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta booqday xarunta Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita, ayaa guddoomiye Sheekh Aadan ku soo dhoweeyay fadhiga golaha, wuxuuna uga mahadceliyay booqashada isaga iyo wafdigiisa isagoo tilmaamey in muhiim ay u tahay Jabuuti, wuxuuna ku ammaanay Baarlaamka Soomaaliya inuu ansixiyay shuruuc ahmiyad gaar ah u leh hanaanka geedi socodka dowladnimadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo ay wafdigiisa qeyba ka yihiin xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Jabuuti ayaa kulanka aan caadiga aheyn ee ka dhacay Xarunta Baarlamaanka khudbad ka jeediyay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ammaanay dowrkii lama ilaawanka ahaa ee ay Jamhuuriyadda Jabuuti ku laheyd dib u yag-leelida Jamhuuriyadda 3-aad ee Federaalka Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa u mahadceliyay shacabka iyo dowladda Jabuuti oo garab u ah walaalahooda Soomaaliyeed xilli iyo xaalad kasta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amniga Muqdisho oo faraha ka baxay & Cumar Filish oo ku mashquulay garab istaaga Farmaajo !!

Caydiid Ali

Puntland oo War kulul ka soo saartay shaqaaqada ka taagan Laascaanood (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Arrimo kala duwan kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade