Doorashada Golaha Shacabka ee bilaabatay oo lagu tilmaamay Sharaf Dhac Qaran

Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku bilaabatay qaab mugdi iyo mad madow badan ku jiro, waxaana doorashada durba walaac ka muujiyay qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada golaha Shacabka.

Wararka laga helayo magaalooyinka doorashooyinka ka dhacayaan ayaa ku waramaya in musharaxiinta qaarkood ay ku jiraan Xildhibaano hore loo diiday in ay tartamaan halka kuwa kalana kuraasta loo boobayo loona xareenayo ergo aan sax aheyn.

Musharax Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in doorashada bilaabatay loo diido in uu tartamo Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari loona boobo kursi Yaasen Farey uu tilmaamay in eedeesane yahay.

”Doorasho tartankeeda loo diiday Prof Jawaari oo dalka wuxuu u soo taray la ogyahay, Yaasiin Fareey oo la tuhunsane ahna xildhibaan looga soo dhigay, ma ah boob doorasho oo keli ee waa sharaf dhac qaran, in la is quusiyo, dadkana la kala dooransiiyo “i dooro ama aan ku dilo”. ayuu yiri Mr Warsame.

Waxa uu intaa raaciyay ”Waxaan xusuusinayaa kuwa foolxumada iyo fadeexada intaa la eg ku kacaya ama ka marqaati kacaya, iyagoo Farmaajo ugu abaal gudaya in ay dadnimadooda, damiirkooda iyo qarankaba dhaawaceen. Waxaana hubaal ah in ay meelmari doonin, dulmiguna uusan waari doonin. Doorasho ma jirtee, shacabka Soomaaliyeed waa in ay u diyaar garoobaan sidii ay dulmiga iyo heeryada dulliga u diidi lahaayeen”.

Doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka qaabka ay ku bilaabatay ayaa dad badan niyad jab ku abuurtay, waxaana doorashadan hada bilaabatay la tilmaamayaa in ay kasii darnaan doonto dhanka musuqa iyo boobka tii dhacday 2016-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -