Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne hore iyo labadiisa Wiil oo cuntada ka soomay iyo Sababta keentay

Madaxweynihii hore ee dalka Gabon, Cali Bongo iyo labadiisa wiil ayaa xaalad adag ku wajahaya xabsi ay ku xiran yihiin, waxa ayna go’aansadeen in ay cuntada ka soomaan si xaaladooda wax looga qabto.

Qareennada iyo qoyska Madaxweynihii hore ee dalka Gabon ayaa sheegay in tacadi iyo jirdil loo geesto Madaxweynaha iyo wiilashiisa laguna dhax ciqaabo xabsiga, waxa ayna xuseen in hadda ku jiraan bannaan-bax cunto kasoo mid ah.

Madaxweynihii hore ee dalka Gabon ayaa af-gembi milatari xilka looga tuuray wax yar kaddib markii uu ku guuleestay doorasho lagu murmay oo dhacday bishii Agoosto ee sanandkii hore 2023.

Milatariga talada dalka Gabon xoogga kula wareegay ayaana xabsiga dhigay Madaxweynihii hore ee dalka Gabon iyo labadiisa wiil, waxa ayna ku eedeeyeen in ay ku kaceen musuqmaasuq iyo ku-takrifal awoodeed.

Madaxweynaha la af-gembiyay ayaa xilka dalka Gabon soo hayay 2009-kii ilaa 2023-dii, waxa uuna xilka ka dhaxlay aabihiis oo dalka Gabon xukumayay muddo ka badan 40-sanno, waxa uuna ninkii Madaxtooyada ku dhax barbaaray hadda ku jiraa xabsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Mid kamid ah Gobolada dalka oo laga Iibinayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare !!

Cabdi Cade

(Sawirro) Shirkii Madaxda urur goboleedka IGAD oo si rasmi ah uga furmay Jabuuti

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo Muqdisho soo gaaray & Wararkii ugu dambeeyey Shirka wadatashiga

Caydiid Ali