Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo safar deg deg ah ku tagay dalka Imaaraadka (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka imaaraadka Carabta

Wasiirka ayaa tacsi uu ka sidey Madaxweynaha JFS, Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed waxa uu gaarsiiyey dowladda Imaaraadka Carabta iyo ehelada saraakiishii  dhawaan ku shahiidey Xerada Goordan ee magaalada muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in Shuhaddada walaalaheen ah ay astaan u ahaan doonaan xiriirka dhiig wadaagga ah ee Imraadaka Carabta iyo Soomaaliya.

Weerar toogasho ah oo dhowaan ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee General Goordan ee magaalada Muqdisho ayay ku dhinteen saraakiil kala duwan oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka bixinaysay oo u kala dhashay Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn, halka sidoo kale ay dhaawacyo soo gaadheen saraakiil kale. waxaana isla goobtii lagu dilay askarigii ka dambeeyey weerarkan toogashada ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay weerarkan, isaga oo ku amray laamaha ammaanku inay sameeyaan baaris degdeg ah.

Madaxweynaha oo cusbitaalka ku booqday qaar ka mida saraakiisha u dhashay Imaaraadka Carabta ee ku dhaawacmay weerarkan, ayaa uga mahadceliyey dalka isu-tagga imaaraadka carabta, garab-is-taaggooda joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan lagu qaaday xeerada General Goordan ee magaalada Muqdisho.

- Advertisement -