Khilaaf cusub oo ka dhex curtay Madaxweyne Xaaf iyo Shiikh Shaakir (Akhriso)

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Shaakir ayaa waxaa ka dhex curtay khilaaf cusub oo si lama filaan ah u soo shaac baxay.

Khilaafka ayaa yimid ka dib markii Shiikh Shaakir uu si cad uga soo horjeestay hadal ka soo yeeray madaxweyne Xaaf oo shalay ku soo laabtay Dhuusamareeb kaasoo ugu baaqay shacabka magaaladaas iney u diyaar garoobaan marti gelinta shirweynaha Qaran ee uu ku baaqay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Shiikh Shaakir oo hadalka Xaaf ka dib soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay inuu si buuxda u taageersan yahay dowlada federaalka Somalia Wuxuuna xusay inuu go’aankaas qaatay ka dib markii uu arkay xaalada adag ee dalku marayo, isagoo dhinaca kale sheegay inuu soo dhoweynayo gogosha uu Madaxweyne Farmaajo u dhigay madaxda dowlad goboleedyada.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka sheikh Shaakir:- 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -