Barakac ka bilowday tuulooyin ka tirsan Sh/dhexe & Xaalad adag oo ka taagan (Sawirro)

Boqolaal qoys ayaa ka barakacay tuulooyin fara badan oo hoos taga magaalada Jowhar iyo qeybaha kale ee gobolka Sh/dhexe ka dib markii uu ku fatahay webiga Shabelle.

Wararka ayaa sheegaya in fatahaada webiga ka sokow ay ka jiraan degaano ka tirsan gobolka roobab maalmahanba da’ayey oo xaalada uga sii daray markii ay ka dhasheen daadad xoog badan.

Qaar ka mid ah dalagyadii beeraha ee sanadkan ay sugayeen beeraleyda tuulooyinkan ayaa la sheegay inuu khasaare xoog leh soo gaaray ka dib markii ay biyuhu qaadeen, waxaana ka mid ah tuulooyinka laga barakacay ee ay fatahaadu saameysay:-

1.Tuwaarey
2. Maageey
3. Gaashaanle
4. Kulmis
5. Buulo Axmed
6. Sabuun
7. Baardheere
8. Jameeco
9.  Muriyaale
10. Lamawaab
11. Buulo Bishaar
12. Gaafaay
13. Timire
14. Magadley
15. Raqayle
16. Dayma Same
17. Raqayloow Buurdheere
18. Xaanshooley
19. Geedo Barkaan
20. Buur Fuule
21. Jowhar Soomaali

Xasan Cabdi Cubeyd oo ka tirsan Aqoonyanada  gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in dhibaatada ka dhacday gobolka nay ka baaxad weyn tahay sida loo malaynayo, ayna jiraan dad ku go’doonsan tuulooyinka qaar oo biyuhu ay xireen kuwaasoo isugu jira waayeel iyo dad kale oo xanuunsanaya.

“Dadka ka barakacay tuulooyinkan oo boqolaal qoys gaaraya waxay u kala yaaceen jihooyin kala duwan sida hareeraha magaalada Jowhar iyo meelo kale iyagoo raadsanaya dhul taag ah oo aanay biyaha  soo gaareynin, mana heystaan cunto, biyo nadiif iyo hoy ay ja galaan qoraxda iyo qabowga habeenkii, waxaan ugu baaqeynaa DF, Jaaliyadaha, ganacsatada iyo qeybaha bulshada iney u istaagaan caawinta dadkan” ayuu yiri Xasan Cabdi Cubeyd.

Waxaa uu sheegay waxgaradka degaanadan iyo culumaaudiinka Soomaaliyeed qaarkood ay magacaabeen guddi ka shaqeeya taakuleynta iyo gurmadka loo sameynayo qoysaskan, wuxuuna xusay in maamulka Hirshabelle iyo kan gobolka Sh/dhexe aysan illaa hadda waxba u qaban dadkan dhibaateysan.

KALA XIRIIR GUDDIGA GURMAD WALAAL AMA WIXII SADAQO AH UGU DIR DADKA DHIBAATEYSAN CINWAANADA HOOS KU QORAN:-

Magaca: Sadak Haji Hamza EVC Plus/Taaj: +252615141760 & +252617017786 E-Dahab: +252625141760 Akoonka Dahabshiil: MUQD0009778 Akoonka Salama Bank: 30533576 Akoon Premier Bank: 020935762001 Akoon Amal Bank: 1013300736

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -