Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa goor dhow oo casar gaabadkii ah waxaa uu ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Waxaa qaraxan uu ka dhacay agagaarka suuqa yare ku yaalla degmada waaberi oo la yiraahdo suuqa Sargaduuda, iyadoo daryankiisa laga maqlay meelo badan.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in qaraxan ahaa miino la dhigay jid cadde suuqa soo gala oo ay qarxiyeen ciidamada amaanka oo goobta soo gaaray.

“Miino ayaan galabta ku aragnay agagaarka suuqa Sargaduuda, ka dib dadka degaanku waxay wargeliyeen ciidamada amniga oo goobta gaaray, wadada ay xireen shacabkana wey ka fogeeyeen ka dibna wey qarxiyeen” ayuu yiri goob jooge ka mid ah dadka degaanka.

Lama soo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxan oo ku soo aadaya xili shacabka degmada waaberi uu dhegahooda ka sii guuxayo qaraxii weynaa ee habeen hore ka dhacay wadada Maka Al Mukarama kaasoo saameyn kala duwan ku yeeshay degmada qeybo ka mid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -