Shariif Xasan oo iska bedelay ilaaladiisa gaarka ah & sabab yaab leh oo ka dambeysa

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isbedel ku sameeyay saraakiisha iyo ciidanka ilaalada Madaxtooyada maamulkiisa ee magaalada Bayadhabo.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib kulan gaar ah oo uu xalay la qaatay la taliyeyaashiisa gaarka ah ee dhinaca ammaanka kaasoo ugu dambeyn lagu go’aamiyay arrintan.

Saraakiishii iyo ciidankii ilaalada ka hayay madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa halkaas laga qaaday, waxaana la isugu geeyay xero ku taalla magaalada Baydhabo, iyadoo lagu bedelay ciidan cusub oo ku dhaw Shariif Xasan sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in sababta isbedelka loogu sameeyey ciidanka joogay madaxtooyada Koonfur galbeed ay tahay ka kadib markii lagu tuhmay inay ka soo horjeesteen siyaasadda Shariif Xasan, isla markaana ay taageero u muujiyeen musharaxiinta kale oo isaga kula loolamaya doorashada.

Shariif Xasan ayaa warar ku dhow dhow waxay sheegayaan inuusan rajo badan ka qabin inuu ku guuleysto mar kale doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo la qorsheynayo inay dhacdo 17-ka bisha soo socota, sababo la xiriira culeys weyn oo la sheegay iney ku heyso dowlada federaalka oo aysan isku fiicneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -