La kulan – Samafalaha noloshiisa u hibeeyey u-gargaaridda dadka darbi-jiifta ah!

33-jirka la yiraahdo Cai Yanqiu ayaa saddexdii sanno ee ugu danbeeyey wuxuu ku dalmaray guudkiisa dalkiisa Shiinaha – isaga oo qorshihiisu yahay caawinta dadka hoy la’aanta ah.

Sheekadiisu waxay ku bilaabatay maalin isaga oo jooga meheraddiisa ganacsi ayaa waxaa soo agmaray nin caga la’ oo darbi-jiifta kamid ah. Wuxuuna kusoo xusuustay xanuunkii qoyskiisu ka qaadeen geerida walaalkiis 20 sanno kahor. Sannadkii 1994-kii, Cai walaalkiis oo uu haleelay cudurka epilepsy ayaa isaga tagay gurigooda, markii guriga lagu celiyay saddex maalin kaddib wuxuu ku dhintay sariirtooda.

Cai wuxuu xusuustay sida hooyadiis ay uga tiiraanyoon jirtay maqnaanshaha walaalkiis iyo sida muddo badan ay ula boholyowday geeridiisa. Kolkii, si kastaba, uu Cai indhaha ku dhiftay ninkan waxaa kusoo istaagtay ilmo fara badan. Wuxuuna isla goobtaas ku qaatay go’aan ah in silicii ay kala kulmeen geeridiisa walaalkood aysan la kulmin qoysaska kale ee Shiinaha.

Sannadkii 2016-ka, Cai wuxuu iibsaday gaari bas ah, wuxuuna u baxay daryeelka dadka darbi-jiifta isaga oo u sida agabyada iyo adeegyada mahuraanka u ah noloshooda. Hadafkii uu girgiisa uga tagay ayaa aheyd inuu kuwa hoy la’aanta ah ku saacido inay dib ula midoobaan qoysaskooda.

Wuxuuna taniyo markaas ku socdaalay fogaan 9,000 km oo gudaha Shiinaha ah – isaga oo ku guuleystay in 50 dibjir ah uu reerahooda la mideeyo. Si kastaba, ma ahan mid sahlan in fudud loogu milmo qeybtan bulshada ka soocan lagana dhageysto sheekooyinka nololeed, sida dad badani ay la tahay. Qaarkood ayaan sidoo kale dooneyn inay ku la midoobaan ehelladooda.

Cai Yanqiu wuxuu warbaahinta Shiinaha u sheegay in ay mararka qaar ku qaadan jirtay isbuuc inuu hantiyo kalsoonida iyo niyadda qofka darbi-jiifka ah. Kala kulmista takoor iyo qaddarin la’aan bulshada ay ku dhex nool yihiin, qaarkood ayaaba ka dida aragtida dadka caadiga ah. Waxayna u baahan yihiin in fiiro gaar ah loo kala yeesho maadaama qaarkood aysan helin gabbaad ay kaga hoydaan dhaxanta iyo qabowga.

Waxaa kale oo jira kuwa maskaxdooda ay isku buuqday oo in loo dhawaado ay adag tahay. Mana doonayaan in lala sameeyo wax xiriir ah. Cai waxaa mararka qaar ay ku adkaan jirtay inuu muddo bil ah midkood uu kala saaxiibo.

Ninkan beer-nugeylka badan wuxuu sheegay in darbi-jiif walba ay ka danbeeyaan qoysas la tiiraanyoonaya maqnaanshihiisa. Laakiin wuxuu qiray inuu qaar badan oo uu la kulmay aysan naawileyn inay dib ugu laabtaan reerahooda. Isaguna wuu qaddariyaa go’aankooda. Wuxuuna isku dayaa inuu noloshooda horumariyo inta uu awoodi karo.

Wuxuu gaarigiisa ku sidaa nuucyada kala duwan ee maryaha, kabo iyo bustayaal. Wuxuuna inta badan isku dayaa inuu ka hagaajiyo timaha. Wuu ka jaraa una qurxiyaa sida ay jecel yihiin. Xittaa wuxuu u kariyaa cunnada marka ay gaajaysan yihiin. Labiskuna waa waxa ugu weyn oo uu jecel yahay inuu ka caawiyo.

In kasta oo ilaa hadda ku dhawaad 50 ruux uu dib ula mideeyey reerahooda, Cai wuxuu ku hal-adag yahay inuusan ka joogsan doonin howshiisan ilaa inta uu ka waayayo qof darbi-jiif ah. Wuxuuna markaas dib ugu laaban doonaa gurigiisa.

“Haddii aan habka noloshayda joogteyn karin, waa laga yaabaa inaan joojiyo; laakiin qoyskaygu waa kuwo i garab taagan, marka waan sii wadi karaa shaqadan,” ayuu yiri. “Safarkaygu wuxuu dhammaanaya maalinta aan waayo qof darbi-jiif ah.”

Cai wuxuu dhex jiiftaa gaarigiisa. Mararka qaar wuxuuba u ekaadaa sida darbi-jiif oo kale. Hadda arrintiisu waxay u muuqataa mid sahlanaaneysa maadaama uu helayo kaalmo iyo gargaar deeq ah. Dad badan ayaa safarkiisa kala socda bartiisa bulshada ee internet-ka, waxaaana uu helaa deeqo lacag ah oo uu ku maareeyo howlgalkiisa.

Caannimadiisa baraha bulshada awgeed, waxay u fududeynaysaa inuu noqdo mid lacag fiican heli kara. Balse Cai wuxuu sheegay inuusan taasi marna doorbideyn. Qaarkood ayaa lacago ugu soo diray si shaqsi ah, balse wuu ka diiday.

Shirkado iyo ururro waaweyn ayaa sidoo kale ka codsaday inay kala dhinac shaqeeyaan howlgalkiisa, balse wuu ku gacan-seyray.

Hadda wuxuu ku faraxsan yahay in deeqda uu ka helo taageerayaashiisa ay ku filan yahay maareynta mashruuciisa samafalka ah. Wuxuuna quuddareynayaa in mar dhow uu iska gudo lacagihii amaahda ahaa oo uu jeebkiisa ka bixiyay markii uu bilaabayay howlgalkan.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeedka;
hiraal86@gmail.com 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -